Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan looga hadlay amniga Mudug oo dhacay Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   
1000120806.jpg

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire ayaa magaalada Garowe kulan ku saabsan wada shaqeyn kula qaatay qaar ka mid ah dhalinyada haldoorka gobolka Mudug.

Taliye Muumin ayaa dhalinyarada ku boorriyay in ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada la dhawaan ka howlgalaya gobolka Mudug, si loo xoojiyo amniga, wada shaqaynta iyo wacyigelinta bulshada.

Dhankooda dhalinyarada kulanka ka qaybgashay waxay muujiyeen in ay diyaar u yihiin la shaqaynta Booliska iyo ka qayb qaadashada sugidda amniga magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug.

Taliye Muumin ayaa maalmo ka hor sheegay in 22-ka bishan ay magaalada Gaalkacyo urari doonaan dhammaan ciidanka dhalinyarada ah ee dhawaan ku soo biiray Booliska, kuwaas oo hadda ka howlgala magaalada caasimadda ah ee Garowe.

Maamulka degmada Gaalkacyo ayaa dhawaan dalbaday  ciidamo lagu sugo amniga xarumaha dowladda, laguna soo celiyo kala dambeynta iyo sharciga.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this