Deeq A. Posted Thursday at 09:08 AM Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari, halkaas oo ay ka dhici doonta munaasabad weyn oo lagu caleemo-saarayo madaxweyne Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye). Suldaan Garaase iyo wafdigiisa oo ka soo kicitimay magaalada Garowe waxaa duleedka bari ee magaalada Laascaanood ku soo dhaweeyay qaar ka mid isimada SSC, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Waqooyi Bari iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Laascaanood. Magaalada Laascaanood waxaa maalmihii ugu dambeeyay ku soo qulqulayay wafuud kala duwan oo u timid caleemo-saarka madaxweyne Firdhiye, iyada oo weli laga sugayo madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites