Sign in to follow this  
Deeq A.

Justin Davis oo noqday ku-simaha safiirka Maraykanka ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
1000095731-600x463-1.jpg

Justin Davis oo ahaa ku-xigeenka madaxa howlgalka ee safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka ku-simaha safiirka ee safaaradda, sida ay xaqiijisay safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.

Qoraal ay safaaradda soo dhigtay barta X (hore loo oran jiray Twitter) ayay ku tiri “shaqada Justin Davis waxay diiradda saari doontaa sii wadidda xiriirka diblomaasiyadeed ee Maraykanka iyo horumarinta danaha Maraykanka ee Soomaaliya, si waafaqsan mudnaanta maamulka Trump ee America First.”

Justin Davis has assumed duties as Chargé d’Affaires, a.i. at the U.S. Embassy in Mogadishu, ensuring continuity of U.S. diplomatic engagement and advancing U.S. interests in Somalia in line with the Trump Administration’s America First priorities.

— U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) January 15, 2026

Madaxweyne Trump ayaa dhawaan Soomaaliya ku daray dalalka Afrika ee uu dib ugu yeertay safiirradii Maraykanka, arrintaas oo keentay in safiirkii hore ee Maraykanka Richard H. Riley la macsalaameeyo maalin ka hor.

Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa hore u sheegtay in isbeddelkan uusan saameyn doonin joogitaanka iyo howlaha Maraykanka ee Soomaaliya, hase ahaatee uu qayb ka yahay dib-u-habeyn ballaaran oo lagu sameynayo siyaasadda dibadda ee Maraykanka.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this