Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahad Salaad oo ka soo muuqday Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
1000121117.jpg

Agaasimaha hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya (NISA) Mahad Salaad ayaa ku sugan magaalada Laascaanood, halkaas oo uu maanta soo gaaray.

Mahad Salaad ayaa caawa ka soo muuqday kulan looga hadlayey amniga magaalada Laascaanood oo uu shir-gudoominyay madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye).

Maalmihii u dambeeyay waxaa Laascaanood ku soo qulqulayay wafuud ka socota dowlada federaalka Soomaaliya, kuwaas oo hordhac u ah safar uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku imanayo magaaladaas.

Magaalada Laascaanood waxaa ka dhacaysa munaaasabad lagu caleemo-saarayo madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye oo la doortay 30-kii bishii Agoosto ee sanadkii hore.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this