Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan iyo Xamse oo maanta ka degaya Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1768548865620-1440x914.jpg

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ka degaya magaalada Laascaanood, iyada oo ammaanka si weyn loo adkeeyay.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxay ka qaybgalayaan munaaasabad lagu caleemo-saarayo madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye, taas oo qorshuhu yahay in ay dhacdo maalinta sabtida ee berri.

Maamuka Waqooyi Bari ayaa 48 saac ee soo socda xayiray isku socodka gaadiidka magaalada Laascaanood, sida uu goordhaweyd ku dhawaaqay wasiirka warfaafinta Axmed Diiriye.

Maalmihii u dambeeyay waxaa Laascaanood ku soo qulqulayay wafuud ka socota dowlada federaalka Soomaaliya, kuwaas oo hordhac u ahaa safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this