Deeq A. Posted 14 hours ago Wafdi sare oo ka socda dowladda Jabuuti ayaa maanta soo gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari, kuwaas oo u yimid ka qaybgalka munaasabadda caleemo-saarka madaxweyne Firdhiye. Wafdigan oo uu hogaaminayo wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta Jabuuti Muumin Xasan Barre ayaa waxaa ka mid ah wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta Jabuuti Ridwaan Xirsi Bahdoon, xildhibaanno, saraakiil ciidan iyo safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Amb. Maxamed-rashiid. Wafdiga dowladda Jabuuti waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Laascaanood ku soo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye iyo mas’uuliyiin kale. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites