Deeq A. Posted 13 hours ago Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaweyd gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari, isagoo noqday madaxweynihii u horreeyay oo muddo 40 sano ah kaddib booqda magaaladaas. Sidoo kale waxaa saacad ka hor magaalada Laascaanood ka degay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Bare iyo wafdi uu hoggaaminayo, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweynaha Waqooyi Bari, mas’uuliyiin ka tirsan dowlada federaalka iyo dadweyne. Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya waxay Laascaanood u yimaadeen ka qaybgalka munaasabadda caleemosaarka madaxweyne Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye iyo ku xigeenkiisa Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Abwaan oo dhacaysa berri. Waxaa kale oo maanta magaalada Laascaanood ka degay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu martiqaaday caleemosaarka Madaxweyne Firdhiye. Wafdi ka socda dowladda Jabuuti ayaa iyaguna soo gaaray Laascaanood, kuwaas oo uu hogaaminayo wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta Jabuuti Muumin Xasan Barre ayna mid yihiin wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta Jabuuti Ridwaan Xirsi Bahdoon, xildhibaanno, saraakiil ciidan iyo safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Amb. Maxamed-rashiid. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites