Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo Taageertay Qaraar Cusub oo QM ah Kana Hadlaya Amniga Badda Cas

Recommended Posts

Deeq A.   

Soomaaliya ayaa u codeysay ogolaanshaha Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2812, kaas oo lagu adkeynayo mas’uuliyadda wadajirka ah ee ka saaran dalalka kulaalaya Badda Cas ilaalinteeda iyo badqabka marin-badeedka istiraatiijiga ah ee muhiimka u ah ganacsiga iyo amniga caalamka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in helidda amni waara oo ka hirgala mandiqada Badda Cas ay ku xirantahay tixgelin qoto dheer oo la siiyo dhowr arrimood oo aas-aasi u ah xasilloonida gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin ixtiraamka madax-bannaanida iyo midnimada dalalka mandiqada, joojinta dhibaatooyinka iyo xaaladaha keeni kara isku dhacyo halis ah, iyo in dhammaan dhinacyadu si buuxda ugu hoggaansamaan shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.

Soomaaliya ayaa sidoo kale adkaysay muhiimadda ay leedahay in la helo hoggaan hormuud ah oo xilkasnimo leh, kaas oo ay hoggaaminayaan dalalka xeebaha kulaalaya Badda Cas, si mas’uuliyad wadajir ah looga qaato sugidda amniga iyo badqabka marin-badeedka.

Waxaa intaas dheer, Soomaaliya ayaa ku baaqday in la xoojiyo iskaashi caalami ah oo xooggan, kaas oo si wadajir ah looga hortago khataraha amni ee ka imaan kara burcad-badeednimo, argagixiso iyo falal kale oo halis gelin kara isu-socodka maraakiibta.

U codeynta Soomaaliya ee qaraarkan ayaa muujinaysa doorka ay dalkaasi doonayo inuu ka qaato dadaallada caalamiga ah ee lagu xaqiijinayo nabadda, amniga iyo xasilloonida Badda Cas, iyadoo la ilaalinayo danaha dowladaha gobolka iyo shuruucda caalamiga ah.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this