Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda oo ku dhawaaqday go’aan kale oo lagu diiday…

Recommended Posts

Deeq A.   
Somali-President-Hassan-Sheikh-Mohamud-s

Muqdisho (Caasimada Online) -Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku dhawaaqday go’aan kale oo xasaasi ah, kadib tallaabadii ay ka qaaday Imaaraadka Carabta oo ay ku eedeysay inuu sameeyay xadgudub wayn.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac oo wareysi siiyay BBC-da ayaa ka digtay inaan la geli karin heshiis aanay ogeyn dowladda federaalka, waana go’aan saameyn doono maamul-goboleedyada dalka.

Daa’uud Aweys ayaa tilmaamay in sharci aanu noqon doonin heshiis kasta oo aqbalaad aanu ka haysan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

“Waxaa dalka mas’uul ka aha dowladda dhexe ee federaalka heshiis kasta oo la galaya si uu sharci u noqdo waxaa qasab ah inuu ogolaansho ka haysto dowladda federaalka marka heshiis aysan dowladdu ka haysan aqbalaad amaba aysan ka haysan ogolaasho heshiis sharci ah ma noqon karo” ayuu yiri.

Sidoo kale, wuxuu farriin u diray dalalka la macaamila Soomaaliy, isaga oo ku wargeliyay inay la socdaan go’aamada soo baxay oo muhiim u ah dalka.

“Dalka waxaas ku dhiirada waxaa uu u bareerayaa heshiis sharci darro ah inuu doonayo inuu ka fuliyo dalka Soomaaliya” ayuu mar kale yiri Daa’uud Aweys.

Go’aankan ayaauu daba socda kulankii Golaha Wasiirrada ee lagu buriyay dhammaan heshiisyadii ay dowladda kula jirtay dalka Imaaraatka Carabta.

Si kastaba, Go’aanka dowladda federaalka ayaa la xiriiray warbixinno iyo caddaymo xooggan oo ku saabsan tillaabooyin gurracan oo lagu dhibaataynayo gobonnimada, midnimada Qaranka, iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya.

The post Dowladda oo ku dhawaaqday go’aan kale oo lagu diiday… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this