Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Yaa la wareegay mas’uuliyadda ciidankii uu gacanta ku hayay Imaaraadka?

Recommended Posts

Deeq A.   
UAE-Imaaraad.jpeg?fit=1200%2C675&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashandhiga Soomaaliya, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi oo wareysi gaar ah siiyay Somali Cable Tv ayaa ka hadlay arrimo ku aadan ciidamada, gaar ahaan kuwa Boolis Milataaro oo ay gacanta ku haysay dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta.

Ciidamadan oo ah kuwa gaar ah ayaa u xilsaaran amniga caasimada, iyaga oo nabad kusoo dabaala Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran intaba.

Wasiirka oo wax laga waydiiyay arrinta ciidamadan oo mushaarka ay siin jirtay dowladda la cayriyay ee Imaaraadka ayaa sheegay inay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliyeed, isla markaana ay si toos ah ula wareegtay.

“Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay mas’uuliyadda ciidanka Boolis Milataaro, iyadaana gacanta ku haysa” ayuu yiri wasiirku.

Sidoo kale wuxuu sii adkeeyay go’aanka dowladda dhexe ee lagu burburiyay dhammaan heshiisyadii horay loola galay Isu Tegga Imaaraadka Carabta, isaga oo shaaca ka qaaday in ay isku filan tahay dowladda Soomaaliyeed.

“Haddii ay tahay amni iyo haddii ay tahay difaac waxa ay bixin jireen mar haddii aan ka baxnay heshiiska macnaheedu waxaa waayey waa ka kaaftoonay oo waa isku filanahay” ayuu yiri wasiir Cumar Cali Cabdi.

Waxaa kale oo uu ka hadlay sida laga yeelayo magaca xerada Jeneraal Gordan oo hora loogu magac daray sarkaal Imaaraati ah oo lagu dhex-dilay xeradaas, kadib markii ay weerar ka fuliyeen kooxda Al-Shabaab.

Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in dowladda ay u taallo go’aanka haddii la bedalayo magaca iyo haddii loo dhaafayo intaba.

“Heshiiska iyo magaca waa kala duwan yahay go’aanka dowladda soo saartay ayaa dib u eegi doonta ama waa loo dhaafi doonaan haddii la rabo” ayuu raaciyay.

Si kastaba, ha’ahaatee go’aanka kasoo baxay dowladda federaalka ayaa la xiriiray warbixinno iyo caddaymo xooggan oo ku saabsan tallaabooyin gurracan oo lagu dhibaataynayo gobonnimada, midnimada Qaranka, iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya.

The post Xog: Yaa la wareegay mas’uuliyadda ciidankii uu gacanta ku hayay Imaaraadka? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this