Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in Fiqi uu dalbaday in la duqeeyo Somaliland?

Recommended Posts

Deeq A.   
FIqi-scaled.jpg?fit=2560%2C1707&ssl=1

Laascaanood (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo maanta warbaahinta kula hadlay Laascaanood ayaa fasiraad ka bixiyay hadal dhawaan kasoo yeeray oo ka dhan ahaa madaxweynaha Somaliland, kadib markii uu ku baaqay in tallaabo laga qaado.

Fiqi ayaa sheegay in hadalkiisa loo dhigay si qaldan, wuxuuna tilmaamay in marnaba uusan ku baaqin in la duqeeyo Cirro iyo dadka Somaliland.

“Cirro hala duqeeyo ma dhihin waxaan iri hala marsiiyo dariiqii la marsiiyay al-Zubaidi, marka anigu ma dhihin hala qabto iyo hala dilo midna” ayuu yiri Fiqi.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay xaaladda Laascaanood, isaga oo ku tilmaamay in ay noqotay qabrigii gooni u goosadka, waxaana uu tilmaamay in maanta uu ka babanayo calanka Soomaaliyeed, ayna soo dhaweneyso madaxweynaha qaranka.

“Laascaanood waa Qabrigii gooni u goosadka, maanta Calankii buluuga ahaa ayaa buurahaa dhaadheer iyo guri kasta ka babanayo, magaca Soomaalinimada kor ayaa laga dhigay” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Waxaa kale oo uu ka hadlay amniga guud ee Laascaanood, isaga oo farriin u diray shacabka. “Bulshada Waqooyi Bari amniga hala ilaaliyo indhihii Soomaaliya oo dhan iyo indhihii caalamka ayaa soo eegaya Laascaanood”.

Axmed Macallin Fiqi oo marar badan ka hadlay arrinta Somaliland ayaa horay u sheegay in uusan socon doonin aqoonsiga ay ka heshay Israa’iil, isaga oo ku dooday in kala bar dadka waqooyiga ay leeyihiin maamullo hoostaga dowlada federaalka Soomaaliya, ayna kasoo horjeedaan in la kala gooyo dalka.

“Somaliland kala bar waxa ay ku biirtay Dowladda Federaalka, keliya Waqooyi galbeed ayay siyaasiyiintooda wadaan ololaha gooni goosadka ah, iyanna Shacabkeeda xornimada usoo halgamay ma rabaan in dalka la kala gooyo” ayuu horay u yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Dowladda Federaalka ayaa haatan wadday dadaallo diblumaasiyadeed oo waa wayn, iyada oo shirar caalami ah horgeysay xadgudubka Israa’iil ee madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

The post Maxaa ka jira in Fiqi uu dalbaday in la duqeeyo Somaliland? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this