Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo shir-guddoominaysa kulan degdeg ah oo Golaha Ammaanka uga hadlayo…

Recommended Posts

Deeq A.   
Abuukar-Baale.jpeg?fit=2048%2C1362&ssl=1

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Khamiis ah yeelanaya kulan degdeg ah oo diiradda lagu saarayo xaaladda dalka Iran, sida ay shaacisay afhayeen u hadashay Ergada Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhida Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa kowda bisha January ee sanadkan cusub ee 2026 si rasmi ah ula wareegtay xilka shir-guddoonka wareega ee Golaha Ammaanka.

Afhayeenka ergada Soomaaliyeed, Khadiija Axmed ayaa sheegtay in guddoomiyaha Golaha Ammaanka uu qorsheeyay in Khamiista gelinka dambe la qabto kulan warbixin ah oo ku saabsan xaaladda Iran, kaas oo Mareykanku codsaday.

Dalka Iran waxaa ka socda dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhacay magaalooyin kala duwan, iyadoo ay barbar socoto xaalad dhaqaale oo sii liidatay iyo hoos u dhac weyn oo ku yimid qiimaha lacagta riyalka Iran.

Wararka ku saabsan khasaaraha dhimashada ayaa si weyn u kala duwan. Ilo qaar ayaa sheegaya in ay dhinteen ku dhowaad 48 ka mid ah ciidamada ammaanka iyo 483 dibadbaxayaal ah, halka ilo kale ay ku warramayaan in tirada dhimashadu ay ka badan karto 2,000 oo qof.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa uga digay hoggaanka Iran in haddii si xooggan loo caburiyo dibadbaxayaasha, Mareykanku uu qaadi doono tallaabooyin uu ku taageerayo, isla markaana uu saari doono cunaqabateynno adag.

Trump ayaa mar dambe sheegay in warar uu helay ay muujinayaan in dilalku istaageen, isla markaana la joojiyay fulinta xukunno dil ah. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in haddii dilal ama xukunno dil ah dib loo bilaabo, ay taasi keeni doonto jawaab ka timaadda Mareykanka.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Seyed Abbas Araghchi, oo la hadlayay warbaahinta Fox News, ayaa khasaaraha badan ku eedeeyay falal ay geysteen kooxo uu ku tilmaamay argagixiso ay hub siisay Israa’iil.

The post Soomaaliya oo shir-guddoominaysa kulan degdeg ah oo Golaha Ammaanka uga hadlayo… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this