Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo Soomaaliya u soo magacaabay ku-simaha safiirka

Recommended Posts

Deeq A.   
Justin-Davis.webp?fit=2560%2C2464&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in diblomaasi Justin Davis uu la wareegay xilka Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, kaddib qoraal lagu daabacay barta X (ex-Twitter) ee safaaradda Muqdisho.

Bayaan ay safaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in magacaabistan looga gol leeyahay sii wadista iyo adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, xilli uu gobolku wajahayo duruufo amni iyo isbeddello siyaasadeed.

Safaaraddu waxay xustay in Justin Davis uu door muhiim ah ka qaadan doono daryeelka iyo horumarinta danaha Mareykanka ee Soomaaliya, isagoo raacaya siyaasadda “Mareykanka ayaa horeynaya” (America First) ee maamulka Madaxweyne Donald Trump, taas oo xoogga saaraysa amniga Mareykanka, xasilloonida gobolka iyo iskaashiga ka dhanka ah argagixisada.

Justin Davis wuxuu masuul ka yahay hogaaminta safaaradda ilaa inta laga soo magacaabi doono safiir rasmi ah, isagoo sidoo kale ka shaqeynaya sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Maraykanka iyo Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga, iyo horumarka.

Davis ayaa hore u soo qabtay xilal diblomaasiyadeed oo kala duwan, waxaana la filayaa inuu sii xoojiyo wada-shaqeynta kala dhaxaysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo taageero nabadda, horumarka iyo dhismaha dowladnimada.

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli Mareykanku uu door muuqda ku leeyahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo taageeridda hay’adaha amniga Soomaaliya, taasoo ka dhigaysa xilka Ku-simaha Safiirka mid muhiim ah marka la eego xaaladda dalka.

Safaaradda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay inay sii wadi doonto ballanqaadkeeda ku aaddan taageerada shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda, iyadoo Justin Davis uu noqonayo wakiilka ugu sarreeya ee Mareykanka ka jooga Muqdisho inta laga magacaabayo safiir rasmi ah.

Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan u yeertay safiirkeedii Soomaaliya, Richard H. Riley, taas oo soo afjartay shaqadiisi diblomaasiyadeed ee Muqdisho ka hor waqtigii loogu talo-galay.

Riley ayaa ka mid noqdah ku dhawaad 30 danjire oo rug-caddaa ah iyo madax hawlgallo diblomaasiyadeed, kuwaas oo lagu wargeliyay in shaqadoodu ku egtahay bishan Janaayo.

Saraakiisha Mareykanka ayaa tallaabadaas ku qeexay mid lagu hubinayo in hoggaanka safaaraduhu noqdaan kuwo “si buuxda ula jaanqaadi kara” ajendaha maamulka Trump.

Riley, oo ah diblomaasi khibrad dheer u leh arrimaha dibadda ayaa xilka Soomaaliya la wareegay sannadkii 2024, waxaana la dhaariyey 8-dii May 2024, iyadoo waraaqihiisa aqoonsiga la guddoomay bishii Juun ee isla sannadkaas.

Riley ayaa Muqdisho ka shaqeynayay muddo qiyaastii 20 bilood ah, kaas oo aad uga yar muddada caadiga ah ee 3 ilaa 4 sano ah ee danjireyaasha looga bartay. Afrika ayaa ah gobolka ay saameynta ugu weyn ku yeelatay tallaabadan diblomaasiyadeed.

The post Mareykanka oo Soomaaliya u soo magacaabay ku-simaha safiirka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this