Sign in to follow this  
Deeq A.

Waqooyi Bari oo soo bandhigtay cudud ciidan iyo hub culus + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
615967609_743942932088128_55210120889609

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa soo bandhigay cudud ciidan iyo gaadiidka dagaalka oo noocyo kala duwan ah, xilli uu Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi kormeer ku tegay aagga Guumays.

Wasiir Fiqi ayaa ciidamada kula dardaarmay adkaynta nabadda, ilaalinta midnimada, wadajirka dalka, iyo ka hortagga faragelin kasta oo shisheeye oo lagu doonayo kala-goynta Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay feejignaanta amni iyo u diyaargarowga difaaca qaranka.

“Waxaan aad ugu farxay iina soo jiitey in Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kan Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ay ka babanayaan Guumays oo dhowr sano ka hor laga diidanaa,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan rajaynayaa in dabaysha midnimadu ay ku fidi doonto mar aan dheereyn deegaannada gooni-goosadka gacantooda ku haray Soomaalinimadu ha guulaysato.”

Intii uu booqashada ku guda jiray, wasiirku wuxuu kormeeray xaaladda guud ee ciidamada, isagoo warbixin ka dhageystay saraakiisha hoggaaminaysa, isla markaana ku bogaadiyay sida ay uga go’an tahay difaaca dalka, goob kasta iyo goor kasta.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga ay ku xaqiijinayso dhiirrigelinta iyo kor u qaadidda tayada iyo diyaargarowga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dalka kaga sugan yihiin.

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa haatan ku sugan wafuud kala duwan oo ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamullada dalka iyo dalka dibaddiisa, kuwaas oo ka qeyb-galaya caleemo-saarka madaxweynaha Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Firdhiye.

615791612_743942928754795_66566830254572

616032346_743944178754670_85390555119526

617571814_743942868754801_84925205920458

616798838_743945118754576_13655094974669

615824059_743942872088134_18825469371007

616032328_743942862088135_18073568449042

615809611_743944158754672_82629132516360

615967609_743942932088128_55210120889609

616237452_743942982088123_81301175628724

617100400_743942865421468_54180955586612

615832563_743944218754666_58930416890575

The post Waqooyi Bari oo soo bandhigtay cudud ciidan iyo hub culus + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this