Deeq A. Posted 12 hours ago Muqdisho (Caasimada Online) – In ka badan 30 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka, Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AUSSOM iyo saaxiibadooda caalamiga ah. Howl-galka ayaa ka dhacay deegaanka Bulunagaad ee gobolka Shabeellaha Hoose. Bayaan kasoo baxay AUSSOM ayaa lagu sheegay in bartilmaameedka howl-galka ay ahaayeen dagaalyahanno Al-Shabaab ah oo ku sugnaa nawaaxiga saldhigga hore ee ciidamada ee Bulunagaad, iyadoo taageero cirka ah laga helay diyaarado dagaal. Ciidamada huwanta ayaa galay dagaallo xooggan, kuwaas oo isugu jiray weerarro dhulka ah iyo duqeymo cirka ah. AUSSOM waxay bayaan ku tiri in isku-xirnaanta weerarrada cirka iyo dhulka ay sababtay in ka badan 30 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah in la dilo, halka tiro kalena lagu dhaawacay. Wararka ayaa tilmaamaya in dagaalyahannada Al-Shabaab ay horay u qaadeen weerarro ka dhan ah ciidamada SNA iyo AUSSOM, xilli ay socdeen howlgallo lagu daba-joogay kooxaha harsan ee Al-Shabaab ee laga saaray magaalada Gendershe iyo deegaannada ku dhow wadada Jilib–Marka. Howl-galladan ayaa dhammaantood qeyb ka ah ololaha ay hoggaaminayaan ciidamada dowladda ee loo yaqaan “Operation Hidden Sword”. Sidoo kale, AUSSOM ayaa sheegtay in ciidamada Soomaaliya, AUSSOM iyo saaxiibadoodu ay si degdeg ah uga hortageen khataraha argagixisada ee ku wajahnaa ciidamada ammaanka iyo shacabka deegaanka. Ugu dambayn, AUSSOM waxay mar kale adkaysay in ciidamada huwanta ay mudnaanta siinayaan badbaadinta rayidka, xasilloonida amniga, iyo hubinta in gargaar bani’aadannimo iyo sahay logistik ah ay si ammaan ah ku gaaraan bulshooyinka ay saameeyeen dagaalladu. Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka socda howl-gallo culus oo Dowladda Federaalka sheegtay in jab xooggan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, isla markaana guulo waaweyn laga gaaray howl-galadii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolkaas. Dhawaan ayey aheyd markii ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay dileen Axmed Sheekh Cumar Cadow Gacal oo ahaa horjoogaha jabhadaha Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Ninkan ayaa ka mid ahaa maleegayaasha weerarrada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeeda, waxaana ugu dambeyn xalay lagu khaarijiyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Cali Heele, oo 30 km u jira galbeedka magaalada Masagawaay ee gobolka Galgaduud. Howl-galladan ayaa qeyb ka ah dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo bilihii lasoo dhaafay hoos u dhacay, waxayna illaa hadda ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay xaqiijiyeen bartilmaameedyo muhiim ah. The post AUSSOM oo war kasoo saartay howlgal lagu dilay… appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites