Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland oo eedeeyn culus u jeediyay madaxweye Deni

Recommended Posts

Deeq A.   
1000120383-1440x1440.jpg

Xildhibaan Cabdimahad Cali Liibaan oo ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa ku eedeeyay madaxweyne Deni waxa uu uga jawaabi waayay aqoonsiga Israa’iil siisay maamulka Somaliland ee uu degdegga uga jawaabay go’aanka dowladda Soomaaliya ku buriyay heshiisyadii Imaaraadka.

Xildhibaan Cabdimahad ayaa hadal qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku yiri “waxaa layaab leh in ay Puntland ka jawaabi wayday muddo ku dhow 20 bari duulaankii Yuhuudu ku soo qaaday diinta Islaamka, madaxbanaanida iyo midnimada Soomaaliya, qadiyadaas oo si gaar ah u taabanaysa dadka iyo dhulka Puntland”.

“Waxaase ka sii yaab badan in heshiisyada Dowladda Federaalku laashay, iyadoo Imaaraadka ku eedeeysay ku lug lahaanashaha kala goynta dalka Soomaaliyeed ay Puntland kaga jawaabtay saacado kooban gudahood” ayuu raaciyay.

Xildhibaan Cabdimahad ayaa sheegay in ay muuqato in madaxweyne Deni leeyahay qorsheyaal qarsoon oo lid ku ah mabaadi’dii iyo ujeedooyinkii loo asaasay Puntland, sida uu hadalka u dhigay, isaga oo ugu baaqay dadka Puntland in ay qaadaan talaabooyinka uu siinayo dastuurka iyo qawaaniinta kale ee dalka.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this