Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka baxay Garowe oo lagu soo dhaweeyay Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
1000120544-1440x960.jpg

Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) ayaa galabta duleedka bari ee magaalada Laascaanood ku soo dhaweeyay qayb ka mid ah ciidamada Danab ee hoggaamiye Gen. Jimcaale Jamaac Takar oo hadda ah urur ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Ciidanka oo ka soo baxay Garowe ayaa la sheegay in ay Waqooyi Bari u yimaadeen xoojinta sugidda amniga, iyada oo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku soo wajahan magaalada Laascaanood.

Sidoo kale shalay waxaa Laascaanood gaaray ciidamada PSF oo iyaguna hadda ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ka soo kicitimay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Dowladda federaalka Soomaaliya waxay hore u sheegtay in ciidamo ka amar qaata ay ku sugan yihiin deegaano ka tirsan Puntland, hase ahaatee waxa hadalkaas waxba kama jiraan ku tilmaantay dowladda Puntland.

1000120688-1440x960.jpg 1000120687-1440x960.jpg 1000120682-1440x960.jpg 1000120679-1440x960.jpg 1000120686-1440x960.jpg 1000120683-1440x960.jpg 1000120689-1440x960.jpg 1000120684-1440x960.jpg 1000120678-1440x960.jpg

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this