Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo si adag uga hadlay xaaladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo maanta furay kalfadhiga 2-aad ee baarlamaanka maamulkiisa ayaa si adag uga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo midnimada dalka.

Madaxweyne Axmed Madoobe waxa uu sheegay, haddii madaxweyne Xasan hadal laga waayo ilaa 20-bishan in ay Golaha Mustaqbalka ee ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta qaadanayaan go’aanno adag oo dalka lagu badbaadinayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu ku eedeeyay in uu ka shaqaynayo burburka iyo kala goynta dalka, isagoo dowladdiisa ku tilmaamay shirkad ganacsi.

Axmed Madoobe wuxuu ugu baaqay dowladaha shisheeye ee saaxiibka la ah dowladda federaalka in ay ka shaqeeyaan sidii ay dal uga dhici lahayd doorasho heshiis lagu yahay oo waqtigeeda ku dhacda, wuxuu xusay haddii ay taas ka shaqeyn waayaan in aysan waxba ka jiri doonin wixii heshiis ah ee ay la galeen dowladda hadda jirta.

Madaxweynaha Jubaland ayaa aqoonsiga Somaliland ka heshay Israa’iil ku tilmaamay mid aan xalkooda ahayn, isagoo sheegay in  xalkoodu ku jiro Soomaaliya dhexdeeda.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this