Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa Maxay Sharciga Trump Joojiyay ee Khatarta Gelinaya Soomaalida Ku Nool Mareykanka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in la joojinayo Xaaladda Ilaalinta Ku-meel-gaadhka ah (Temporary Protected Status – TPS) ee loo oggolaa muwaadiniinta kasoo jeeda deegaannada Soomaalida, tallaabo ka dhigan in kumannaan Soomaali ah ay wajahayaan khatar masaafurin.

Xoghayaha Amniga Gudaha ee Mareykanka, Kristi Noem, ayaa sheegtay in go’aankan uu ku saleysan yahay qiimeyn ay sameeyeen hay’adaha amniga, taas oo muujisay in xaaladda Soomaaliya ay “soo hagaagtay isla markaana aysan mar dambe buuxin shuruudihii lagu sii wadi lahaa TPS.”

TPS waa barnaamij ay dowladda Mareykanku si ku-meel-gaadh ah ugu ilaaliso muhaajiriinta dalalkooda ay ka jiraan colaado, masiibooyin ama xaalado amni oo khatar ah, isla markaana ka hor istaaga in la masaafuriyo, iyagoo heli kara oggolaansho shaqo iyo joogitaan sharci.

Go’aankan cusub ayaa dhaqan galaya 17-ka Maarso, waxaana la sheegay in ku dhowaad 2,500 oo Soomaali ah ay lumin doonaan oggolaanshahooda shaqo iyo xaaladdooda sharci, taas oo ka dhigaysa kuwo u nugul in laga masaafuriyo Mareykanka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa marar badan si cad u muujiyay mowqif adag oo ka dhan ah soo-galootiga, gaar ahaan kuwa ka yimaada dalalka uu ku tilmaamo “halista amniga.”

Waxa uu sidoo kale magaalada Minneapolis ka bilaabay olole ballaaran oo lagu qabqabanyo laguna masaafurinayo dadka sharci-darrada ku jooga dalka, magaalo ay ku nool yihiin Soomaali tiro badan.

Go’aankan ayaa walaac xooggan ku abuuray jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka, iyadoo ururrada xuquuqda muhaajiriinta ay ka digayaan saameyn bini’aadannimo iyo mid bulsho oo ka dhalan karta, gaar ahaan qoysaska muddada dheer ku noolaa dalka Mareykanka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this