Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska oo gacanta ku dhigay nin dhibaato ku hayay reer Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho-scaled.webp?fit=2560%2C1666&ssl

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho, kaas oo lagu soo qabtay nin dhibaato ku hayay shacabka ku dhaqan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidanka Booliska ee saldhigga degmada Hodan ay gacanta kusoo dhigeen eedeysanaha oo lagu magacaabo Maxamed Jibriil Aadan, oo mobile-lada ka dafi jiray shacabka isticmaala waddooyinka, isaga oo adeegsanayay mooto Fekon ah.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Hodan, ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane lagu magacaabo Maxamed Jibriil Aadan, kaas oo ku eedaysan inuu ka dafi jiray mobile-lada muwaadiniinta isticmaala waddooyinka caasimadda” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Booliska ayaa intaasi ku daray in muddo dheer la baadi goobayay ninkan, isla markaana soo qabashadiisa laga tix raacay kaamirada qarsoon ee CCTV.

“Eedaysanaha ayaa adeegsan jiray mooto Fekon si uu u dhibaateeyo bulshada, Booliska ayaa ku daba jiray eedaysanaha, iyagoo adeegsanaya xog iyo muuqaalo laga helay kaamirooyinka CCTV, kuwaas oo muujinayay eedaysanaha oo ka dafaya mobile muwaadin rakaab ah oo maraya wadada isku xirta Lambar Afar ilaa Soobe” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo uu Boolisku intaas ku daray in eedeysanaha la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Eedaysanaha hadda waxa uu ku jiraa gacanta Booliska, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda ku shaqada leh si sharciga loo marsiiyo” ayaa la sii raaciyay.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada ammaanka ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga caasimada, waxayna horay gacanta ugu soo dhigeen burcaddii ugu badneyd oo dhibaato ka waday degmooyinka gobolka Banaadir.

614874817_862497436559081_46271672319993

The post Booliska oo gacanta ku dhigay nin dhibaato ku hayay reer Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this