Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaar ka mid ah raggii ka dambeeyay dhacdooyinkii Wanlaweyn oo la dilay

Recommended Posts

Deeq A.   
Wanlaweyn.jpg?fit=696%2C522&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta faah-faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal culus oo xalay ka dhacay duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday xukunsanayaashii ka dambeeyay dhacdooyinkii argagaxa lahaa iyo dilalkii horay uga dhacay halkaasi.

Howlgalka oo ay qaadeen ciidamada Booliska iyo kuwa Milatariga ayaa ka dhacay nawaaxiga tuulada Daudumaaye, waxaana kadib xigay dagaal ay ciidanka la galeen qaar kamid ah maleeshiyaadka baxsadka ah oo ku sugnaa halkaasi.

Sarkaal u hadlay maxkamadda ayaa xaqiijiyay in goobta lagu dilay saddex kamid ahaa xukunsanayaasha oo muddo dheer baxsad ka ahaa cadaaladda, kuwaas oo kala ah Yuusuf Aadan Xuseen (Suuley), Saydi Cali Cabdulle iyo Cabdullahi Karar Ismaaciil oo ay horay maxkamaddu u amartay in nolol ama geeri midkood lagu soo qabto.

“Ciidamada amniga ayaa waxa ay ku baxeen aagga tuulada Dudumaayi halkaas ay gaareen ciidanka waxaa ka dhacay dagaal kooban, waxaana ku naf-waayay xukunsanayaasha qayb kamid ah oo uu kamid yahay maxuum Yuusuf Aadan Xuseen (Suuley) oo ku eedeysnaa dil qorsheysan oo loo gaystay dad birimageydo ah oo war biyo ka shubanayay, waxaa kale oo la geeriyooday laba xukunsane oo kale Saydi Cali Cabdulle iyo Cabdullahi Karar Ismaaciil”. ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in ay sii wadi doonaan howlgalladooda oo qaatay muddo ku dhow laba bil oo xiriir ah, si loo soo afjaro maleeshiyaadka baxsadka ah ee weli ku dhuumaaleysanaya dhulka hawdka ee aagga Wanlaweyn.

“Inta dhiman nolol ayaan ku keeni doonaan ama geeri, waxaana socon doonaan howlgalka illaa laga soo afjaro dambiileyaasha” ayuu mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Ha dhawaato ama ha dheeraato Insha allahu xukunkaas sida uu u dhacay waayay, waana la fulinayaa annaga oo iskaashaneyno ciidanka Booliska iyo Milatariga”.

Ragga la dilay iyo kuwa la baadi goobayo ayaa lagu helay dil wadareed ka dhacay Warta Cismaan oo qiyaastii 8KM u jirta degmada Wanlaweyn, laguna dilay 12 qof iyo falkii lagu gubay Isaaq Daa’uud Maxamed ee isnka ka dhacay aagga degmada Wanlawayn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

The post Qaar ka mid ah raggii ka dambeeyay dhacdooyinkii Wanlaweyn oo la dilay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this