Deeq A. Posted 20 hours ago Berbera (Caasimada Online) – Shirkadda DP World oo laga leeyahay dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta oo ka fal-celisay go’aanka kasoo baxay Soomaaliya ee lagu cayriyay Imaaraadka ayaa ka hortimid tallaabada dowladda. DP World ayaa shaacisay in ay sii wadi doonto hawlaheedii, ayna kasii shaqeyn doono dekedda Berbera ee Somaliland, iyada oo tilmaamtay in aanu sameyn doonin xiisadda diblumaasiyadeed ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Imaaraadka. Bayaan kasoo baxay shirkadda oo yimid maalin uun kadib markii Soomaaliya ay ku dhawaaqday inay baabi’isay dhammaan heshiisyadii ay horay ula gashay Isu Tegga Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in ay sii socon doonto shaqadeeda, ayna wadi doonyo howlaha fududeynta ee ganacsiga Somaliland. “DP World waxay diiradda saaraysaa sidii ay uga sii shaqayn lahayd dekedda Berbera, iyadoo fududeynaysa ganacsiga Somaliland iyo gobolka Geeska Afrika,” ayaa lagu yiri qoraal ay shirkaddu u dirtay wakaaladda wararka ee Reuters. Jawaabta shirkadda DP World ayaa kusoo aadeyso, iyada oo heshiisyada ay laashay Soomaaliya ay ku jiraan kuwo dhanka dekedaha ah, iskaashiga difaaca iyo amniga ee horay loola galay Abu Dubai. Horay Somaliland ayaa iyadna dhankeeda u sheegtay in go’aanka Dowladda Federaalka uusan saameyn doonin dekadda Berbera oo kamid ah dekadaha ugu mashquulka badan Geeska Afrika, uuna gacanta ku hayo Imaaraadka. Si kastaba, Go’aanka Dowladda Soomaalya ayaa la xiriiray warbixinno iyo caddaymo xooggan oo ku saabsan tillaabooyin gurracan oo lagu dhibaataynayo gobonnimada, midnimada Qaranka, iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya. “Dowladda Soomaaliya waxa ay ku caddaynaysaa masuuliyaddeeda iyo xuquuqdeeda madaxbannaani ee la xiriirta dhulkeeda, dekadaheeda, arrimaheeda amniga, iyo arrimaheeda dibedda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay kulan aan caadi ahayn oo ay shalay yeesheen Golaha Wasiirada. Xiriirka Muqdisho iyo Dubai ayaa haatan galay maalmihii ugu adkaa, iyada oo Soomaaliya ay si toos ah ula safatay Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ay ku taageertay hoggaaminta arrimaha gudaha ee dalka Yemen. The post DP World oo ka hor-timid go’aanka kasoo baxay DF appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites