Sign in to follow this  
Deeq A.

Soamaaliya iyo Turkiga oo billaabay hirgelinta heshiis ay wada galeen + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
614908386_1418085233691412_6991653338323

Ankara (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa haatan bilaabay inay si rasmi ah u hirgeliyaan heshiis iskaashi oo ay wada saxiixdeen 10 sano kahor, kaas oo muhiim u ah labada dowladood.

Magaalada Ankara ayaa maanta si rasmi ah loogu saxiixayay hirgelinta heshiiskii iskaashiga (MoU – June 2016) ee u dhexeeyay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Shaqada iyo Ammaanka Bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga.

Soomaaliya waxaa hirgelinta heshiiska u saxiixay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS, Prof. Salim Aliyoow Ibrow, halka Turkiga uu qalinka ku duugay Wasiirka Shaqada iyo Ammaanka Bulshada ee Turkiga, Prof. Dr. Vedat Işıkhan, waxa kale oo goob-joog ahaa munaasabadda Safiirka Soomaaliya ee Turkiga, Agaasimaha Guud Mudane Yuusuf Xasan iyo xubno kale oo ka tirsan labada dal.

Intaas kadib, waxaa xigay kulan farsamo oo diiradda lagu saaray 15-ka qodob ee lagu hirgelin doono muddada 2026–2027, kuwaas oo saldhig u noqon doona xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada shaqada, tababarka xirfadaha, badbaadada shaqaalaha iyo goobaha shaqada (OSH), iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isku raacay in la dardargeliyo hirgelinta qodobada heshiiska, si loo xoojiyo hay’adaha shaqada ee Soomaaliya, loona adkeeyo wada-shaqeynta joogtada ah ee dowladda Turkiga.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa horay u galay heshiisyo waa wayn oo ay ku jiraan difaaca iyo heshiisyo kale oo ku aadan ganacsiga iyo khayraadka dalka.

Waxaa sidoo kale saxiixa heshiiskan uu yimid iyada oo dhawaan Muqdisho iyo Istanbul ay ku dhawaaqeen in la guda geli doono sanadkan cusub shidaal qodista, si looga faa’iideysto khayraadka dhex-ceegaaga biyaha Soomaaliya.

Turkiga oo ah saaxibka koowaad ee Soomaaliya ayaa sidoo kale kamid ah dalalka waa wayn ee garab istaagga u muujiyay Soomaaliya, wuxuuna ballan qaaday difaaca waddanka, maadaama uu kula jiro heshiis milatari oo wayn.

614908386_1418085233691412_6991653338323 614942610_1418085337024735_7736500636416 615171250_1418085313691404_3665443594927 615844132_1418085237024745_5255036768595

The post Soamaaliya iyo Turkiga oo billaabay hirgelinta heshiis ay wada galeen + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this