Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Xasan Sheekh oo ku wajahan Sacuudiga, xilli Bin Salmaan uu wado qorshe culus

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-bin-Salmaan-scaled.webp?fit

Muqdisho (Caasiamda Online) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda u safro magaalada Riyadh, halkaas oo uu wada-hadallo heer sare ah kula yeelan doono Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan.  

Safarkan ayaa tilmaamaya isbeddel istiraatiijiyadeed oo weyn oo ay qaadayso Muqdisho, xilli uu bur-buray xiriirka kala dhexeeya dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, oo muddo ku lug lahaa arrimaha Soomaaliya. 

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia, booqashadani waxay diraysaa farriin adag oo muujinaysa sida Sacuudigu u garab taagan yahay madax-bannaanida Soomaaliya, kadib markii Israa’iil ay aqoonsatay maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland—tallaabadaas oo Muqdisho ay ku eedaysay inuu soo agaasimay Imaaraadka.

Safarka waxaa barbar socda in Riyadh ay isku diyaarinayso inay martigeliso shir-weyne dib-u-heshiisiin ah oo u dhexeeya Soomaalida, kaas oo ka dhacaya magaalooyinka barakaysan ee Makka iyo Madiina.

Saraakiisha Sacuudiga ayaa durba xiriirro diblamaasiyadeed la sameeyay dhinacyo kala duwan oo isugu jira mas’uuliyiin dowladeed, hoggaamiyayaasha mucaaradka, iyo odayaasha dhaqanka, si loo qaboojiyo xiisadaha gudaha loona xoojiyo midnimada qaran.

Dhaq-dhaqaaqan diblamaasiyadeed ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay dib u habeyn xooggan ku sameyneyso xulafadeeda gobolka.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa Isniintii laalay dhammaan heshiisyadii amni iyo kuwa difaaca ee kala dhexeeyay Imaaraadka, iyagoo sabab uga dhigay xad-gudubyo ka dhan ah “madax-bannaanida, midnimada qaran, iyo madax-bannaanida siyaasadeed.”

Go’aankaas ayaa meesha ka saaray sharciyaddii joogitaanka milateri ee Imaaraadka ee dalka. Goobjoogayaal ayaa soo tebinaya in Abu Dhabi ay billowday daad-gureyn degdeg ah oo ay shaqaalaha iyo qalabka culus kaga saarayso saldhigga Boosaaso ee Puntland, iyadoo xogta duulimaadyadu muujisay diyaaradaha xamuulka ee Il-76 oo si is-daba joog ah uga baxaya xaruntaas.

Saraakiisha Soomaaliya ayaa sidoo kale ku eedeeyay Imaaraadka inay wiiqayaan madax-bannaanidooda iyagoo fududeeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, isla markaana dhulka Soomaaliya u isticmaalay inay ku taageeraan kooxaha gooni-u-goosadka ah ee Yemen.

Khilaafka diblamaasiyadeed ayaa kadib cirka isku shareeray kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Imaaraadku isticmaalay marinno Soomaaliya ah si uu u baxsado hoggaamiyaha gooni-u-goosadka Yemen, Caydaruus Al-Zubeydi, kana baaqsado wada-hadalladii uu Sacuudigu hoggaaminayay.

Iyadoo taas ka jawaabaysa, Muqdisho waxay hadda la safanaysaa istiraatiijiyadda ballaaran ee Riyadh ee xakamaynta Badda Cas. Sacuudiga, oo ka walaacsan “fiditaanka awoodda” ee Imaaraadka oo isku xiraysa jasiiradda Socotra iyo Somaliland, ayaa ugu baaqay dalalka Carabta inay taageeraan qorshe midaysan oo uu Sacuudigu hoggaaminayo oo lagu sugayo xasilloonida Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay kulan dhawaan ay yeesheen Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Waleed Al-Khuraiji, ayaa ugu baaqay ururka inay si cad u diidaan maamullada gooni-u-goosadka ah ee Soomaaliya, isagoo xoojiyay sida Boqortooyada uga go’an tahay ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

The post Xog: Xasan Sheekh oo ku wajahan Sacuudiga, xilli Bin Salmaan uu wado qorshe culus appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this