Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Trump oo soo saaray go’aan hoggaamin kara tarxiilka Soomaali badan

Recommended Posts

Deeq A.   
2025-10-30T162224Z_103034777_RC2GMHAAG29

Washington (Caasimada Online) – Saraakiisha maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay inay soo afjari doonaan barnaamijka badbaadada ku-meel-gaarka ah ee loo yaqaan TPS (Temporary Protected Status), kaas oo ka hortagga masaafurinta iyo sharciyada shaqada siinayay ku dhawaad 1,100 qof oo Soomaali ah oo ku sugan Mareykanka.

Xoghayaha Amniga Gudaha, Kristi Noem, ayaa sheegtay inay joojinayso TPS-ka Soomaalida, iyadoo ku doodday in xaaladda Soomaaliya ay soo hagaagtay, in kasta oo uu weli socdo dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab.  

Go’aankan marka la dhaqan-geliyo, dadka haysta sharciga TPS waxa uu ka dhici doonaa 17-ka Maarso, inkastoo la filayo in caqabado sharci ay ka horyimaadaan.

“Xaaladaha dalka Soomaaliya waxay soo hagaageen heer aysan buuxinayn shuruudaha sharciga ee TPS,” ayay tiri Noem oo qoraal soo saartay. “Intaas waxaa dheer, u ogolaanshaha muwaadiniinta Soomaaliyeed inay si ku-meel-gaar ah u sii joogaan Mareykanka waxay ka hor imaanaysaa danaha qarankeena. Waxaan mudnaanta koowaad siineynaa dadka Mareykanka ah.”

Trump ayaa bilihii u dambeeyay si kulul u dhaliilayay soo-galootiga Soomaalida, isagoo ku tilmaamay “qashin” (garbage), wuxuuna diiradda saaray eedeymo la xiriira musuq-maasuq oo ka jiray gobolka Minnesota, eedeymahaas oo dadka lala xiriiriyay ay ku jiraan Soomaali.

Madaxweynaha Jamhuuriga ah ayaa bishii November sheegay inuu soo afjarayo TPS-ka Soomaalida Minnesota, halkaas oo sida ay sheegtay xogta tirakoobka Mareykanku ay ku nool yihiin qiyaastii 76,000 oo Soomaali ah.

Maamulka Trump ayaa Minnesota geeyay in ka badan 2,000 oo ah wakiillada socdaalka federaalka, iyadoo ay jiraan eedeymo, aan la caddeyn oo sheegaya in soo-galootiga Soomaalida ay maamulayaan xarumo xannaanada carruurta oo been abuur ah (fraudulent daycares), taasoo magaalada ay dimuqraadiyiintu maamulaan ka dhigtay bartilmaameedka cusub ee hawlgallada Trump.

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay isbuucii hore magaalada Minneapolis markii sarkaalka socdaalka federaalka uu toogasho ku dilay Renee Good, oo ahayd muwaadin Mareykan ah iyo hooyo dhashay saddex carruur ah, dhacdadaas oo dhalisay dibadbaxyo xooggan.

Kala-noqoshada dhalashada  

Isagoo Talaadadii ka hadlayay magaalada Detroit, Trump wuxuu sheegay in maamulkiisa uu kala noqon doono dhalashada soo-galootiga qaatay jinsiyadda (naturalized citizens) ee ka yimid Soomaaliya ama meel kale, haddii lagu helo dambi ah inay dhaceen hantida muwaadiniinta Mareykanka.

In kasta oo maamulka Trump uu sheegay inay kordhinayaan hawlaha lagala noqonayo dhalashada, haddana geeddi-socodkaas waa mid qaata waqti dheer oo u baahan dhaqaale badan.

TPS waa barnaamij siiya dadka horay u joogay Mareykanka fursad ay kaga badbaadaan masaafurinta iyo inay shaqeystaan, haddii dalkoodu uu la kulmo masiibo dabiici ah, dagaal hubeysan ama dhacdooyin kale oo aan caadi ahayn.

Maamulka Trump ayaa isku dayay inuu soo afjaro inta badan barnaamijkan, isagoo sheegay inuu ka hor imaanayo danaha Mareykanka.

Bishii Diseembar, garsoore federaal ah ayaa hor istaagay qorshaha maamulka Trump ee lagu joojinayay TPS-ka kumanaan muhaajiriin ah oo ka yimid Honduras, Nepal iyo Nicaragua, isagoo daliishaday hadallo cunsuriyad xambaarsan oo kasoo yeeray saraakiisha Trump, kuwaas oo shaki galiyay sharciyadda go’aanka.

Ogeysiiska rasmiga ah ee Talaadadii soo baxay ayaa sheegay in qiyaastii 1,100 Soomaali ah ay haystaan sharcigan, halka 1,400 kalena ay sugayaan codsiyada TPS.

Qoraalka joojinta ayaa lagu xusay in amniga Soomaaliya uu soo hagaagay, isla markaana Soomaalida la celinayo ay dooran karaan inay ku noolaadaan meelaha nabdoon ee dalka, sida gobollada waqooyi ee Somaliland.

Kordhintii TPS ee 2024, oo uu sameeyay maamulkii Biden, ayaa sabab looga dhigay in weerarada Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ay keenayaan baahi bani’aadannimo oo loo qabo in Soomaalida la siiyo magangalyo.

“Al-Shabaab waxay shacabka u geysataa tacaddiyo badan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, oo ay ku jiraan dilal aan maxkamad la soo taagin, dilal ku saleysan diin iyo siyaasad, dadka oo la waayo, jirdil, iyo falal kale oo bani’aadanimada ka baxsan,” ayaa lagu yiri ogeysiiskaas hore.

The post Maamulka Trump oo soo saaray go’aan hoggaamin kara tarxiilka Soomaali badan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this