Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa xigaya go’aanka DF Soomaaliya ay dalka uga cayrisay Imaaraadka Carabta?

Recommended Posts

Deeq A.   
Somali-President-Hassan-Sheikh-Mohamud-s

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu shalay u jeediyey shacabka kaga hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo tallaabooyinka dowladdu qaaday ee ku aaddan siyaasadda dalka, gaar ahaan kuwa ka dhanka ah Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

“Tan iyo markii Israa’iil oo xoog ku haysata dhulka reer Falastiin ay ku dhawaaqday go’aankii qar iska tuurka ahaa ee ay ku sheegtay in ay aqoonsanayso qeyb ka mid ah gobollada dalkeenna oo ay yiraahdeen dowlad gaar ah, waxaan qaadannay tallaabooyin kala duwan oo la xiriira difaaca iyo midnimada dalka, iyo dadka Soomaaliyeed,” ayuu ku yiri khudbaddiisa Madaxweynaha Soomaaliya.

Balse khudbadda waxa uu sidoo kale madaxweynuhu is-dul taagay mowqifkii ay Golaha Wasiirradu kala noqdeen Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, isla markaana ay ku burriyeen guud ahaan heshiisyadii ay kula jirtay Soomaaliya. Waxa uu Imaaraadka ku tilmaamay “waddan si doc-faruur ah uga adeegsanaya gudaha Soomaaliya”.

“Waxaan rabaa in aan dadka Soomaaliyeed u caddeeyo in Dowladda Imaaraadka Carabta aan la lahayn xiriir wanaagsan oo dhankeena ah oo aan u galnay si niyad-samaan iyo qalbi furnaan ah. Nasiib darro, Imaaraadku nooma uusan dhaqmin sidii dowlad mid ah oo madax-bannaan,” ayuu yiri madaxweynuhu.

“Intaas ka dib, weli maanaan deg-degin; marar badan ayaan ka dalbanay Dowladda Imaaraadka inay noola macaamilaan annagoo ah hal dal oo madax-bannaan oo masuul ah, ayna joojiyaan habka doc-faruurka ah ee ay albaabbada kala duwan uga soo galayeen dalkeenna, iyagoo ku kacaya arrimo aanay mararka qaarkood ka warhayn Dowladda Federaalka Soomaaliya, kana dhex fuliya gudaha Soomaaliya—kuwaas oo xadgudub ku ah haybadda iyo qaranimada dalkeenna.”

Isaga oo hadalka sii wata, ayuu intaas ku daray in aysan dooneyn in dhibaato soo gaarto qeyb ka mid ah bulshada Soomaaliyeed: “Waxaan rabaa inaan caddeeyo go’aanka dowladda inaan marnaba loola jeedin in dadkeenna dhibaato ka soo gaarto,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Maxaa dhacaya kadib go’aanka Soomaaliya?

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Soomaaliya ka qabata hawlo kala duwan oo isugu jira ganacsi, amni, adeegyo gargaar bini’aadannimo, iyo saameyn siyaasadeed oo ay ku leedahay maamullada ka jira dalka iyo dowladda dhexe.

Sidoo kale, waxaa Soomaaliya ka shaqeeya hay’ado iyo shirkado ganacsi oo mashaariic ka fuliya gudaha dalka. Cabdullaahi Sheekh Cabdirisaaq—oo hore tifaftire uga soo noqday laanta Af-Soomaaliga ee BBC, haddana ah falanqeeye arrimaha siyaasadda Geeska Afrika—oo BBC-da u warramay, ayaan weydiinay waxa ay noqon karto falcelinta ka timaadda maamullada qaar.

“In dowladda Soomaaliya go’aan ka soo saartay maaha go’aan sahlan, go’aan indho la’aan ahna maaha; dabcan waa go’aan ay ka fiirsadeen, ciddii u beddeli lahayd ay ka baaraan-dageen. Tan kalena, iyaga xiriir diblomaasiyadeed ma jirin, laakiin waxaan isleeyahay waxa ay war sugayaan tallaabooyinka ay qaadi doonaan dhinacyada kale ee Imaaraadka ay ku kaban yihiin, iyo Imaaraadka laftirkooda,” ayuu yiri Cabdullaahi.

Isaga oo intaas ku daray in go’aankaas laga yaabo in lagu eegayey tallaabada ay qaadi karaan, ayuu yiri: “Dabcan Jubbaland iyo Puntland waa hadleen, weyna sheegeen in ay ku mintidayaan Imaaraadka. Marka taas lafteeda, in ay go’aankaas raadinaayeen ayaa laga yaabaa dowladda federaalka; noocanna waxa uu u ekaan karaa shirqool ay ku dooneyso in dowlado iyo dhinacyo kale meesha u soo galaan—oo dagaal wakaaladeedkii, markii Israa’iil aqoonsatay Somaliland, ayaa meesha ka muuqda.”

Sidoo kale, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad—oo haatan falanqeeya arrimaha Soomaalida—oo la hadlay BBC, ayaa soo dhoweeyay go’aanka ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay Imaaraadka Carabta, isaga oo sheegay inuu ahaa mid soo daahay marka la eego sida ay u dhaqmayeen Imaaraadku.

“Waa go’aan sax ah, waa go’aan soo daahay marka la fiiriyo sida ay Imaaraadku Soomaaliya—ama dalal badan oo Soomaaliya la mid ah—ula dhaqmayeen. Marka la fiiriyo khatarta ay Soomaaliya ku hayaan, waxa ay ahayd go’aan ay ahayd in mar hore la qaato,” ayuu yiri.

Wasiir Cawad ayaa sheegay inay arrin kale tahay awoodda ay dowladdu u leedahay in Boosaaso iyo Berbera uga mamnuucdo Imaaraadka, balse ay muhiim tahay in qaranimada Soomaaliya laga difaaco qofkii dhib ku haya.

“Go’aanka sida uu u fulayo—xukuumadda hadda jirtaa ay u fulin karto, iyo awoodda ay u leedahay inay uga mamnuucdo Imaaraadka Boosaaso iyo Berbera—waa arrin kale. Laakiin ugu yaraan sharci ahaan iyo niyad ahaan, waa ahayd in laga difaaco qaranimada Soomaaliya qofkii dhib ku haya,” ayuu yiri.

Kaabayaal dhaqaale oo magaalooyinka ay Imaaraadku ka fuliyaan mashaariicdoodu waxa ay ku yeelan doontaa saameyn taban, taas oo hoos u dhigi karta dhaqaalaha dadka ku tiirsan. Cabdullaahi Sheekh ayaa ku tilmaamay in ay adkaan doonto sii wadidda shaqooyinka ay ka hayaan goobahaas haddii uu dhaqan galo go’aankan.

“Haddii dowladaha Islaamka ah ay si dhab ah u soo galaan arrintan, dowladda Soomaaliyana ay kula heshiiso in Imaaraadka meelaha ay joogaan dhan laga saaro—xoog iyo xeelad waxa ay noqotaba—waxaan isleeyahay Imaaraadka Carabta waa ku adkaan doontaa in ay sii hawl-galaan gobolladaas; sharci ahaan waa dhul Soomaaliya ka tirsan, dhab ahaanna waa gobollo ka mid ah dalka. Gaar ahaan Turkiga iyo Sacuudiga, haddii ay meesha soo galaan, oo Imaaraadkana muddo loo qabto,” ayuu yiri.

Dhanka Imaaraadka Carabta, ma jiro wax war ah oo ka soo baxay illaa iyo hadda. Hase yeeshee, shirkadda DP World ayaa sheegtay in hawlihii dekedda Berbera ay u socdaan si waafaqsan heshiisyadii hore u jiray, iyada oo ku baaqday in “go’aannada siyaasadeed, wadaxaajoodyada dalalka dhex maraya, iyo mowqifyada diblomaasiyadeed loo diro maamullada ay khusayso”. Hadalkaas ayaa lagu sheegay qoraal ay daabacday Wakaaladda Wararka ee Reuters.

The post Maxaa xigaya go’aanka DF Soomaaliya ay dalka uga cayrisay Imaaraadka Carabta? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this