Sign in to follow this  
Deeq A.

Masar oo Sacuudiga siisay sirdoon aad u dhaawacay Imaaraadka oo ay is-hayaan

Recommended Posts

Deeq A.   
Saudi-Crown-Prince-Mohammed-bin-Salman-m

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa la wadaagtay Sacuudiga xog sirdoon oo xasaasi ah oo ku saabsan hawlgallada Imaaraadka ka wado dalka Yemen, xilli Qaahira ay u xusul-duubayso inay dib u hagaajiso xiriirka xumaaday ee kala dhexeeya Riyadh, sidaas waxaa Middle East Eye u sheegay ilo-wareed sare oo ka tirsan Madaxtooyada Masar. 

Sarkaalkan ayaa sheegay in wadaagista xogtan ay timid kadib markii saraakiisha Masar ay walaac xooggan ka muujiyeen waxa ay ku tilmaameen ballaarinta taageerada Imaaraadka ee kooxaha hubeysan iyo kuwa gooni-u-goosadka ah ee gobolka—gaar ahaan Yemen, Suudaan iyo Somaliland—arrimahaas oo Masar u aragto inay khatar toos ah ku yihiin amnigeeda qaran.

“Masar waxay Imaaraadka u bixisay qurbaan ahaan si ay dib ugu hanato taageerada Sacuudiga, una ilaaliso amnigeeda qaran,” ayuu yiri sarkaalka, isagoo tallaabadan ku tilmaamay “xeelad si taxaddar leh loo qorsheeyay.”

Burburka isbaheysiga Yemen

Iskaashigii Sacuudiga iyo Imaaraadka ee Yemen ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay si weyn u xumaaday. Horraantii bishan Janaayo, ciidamada Sacuudiga ayaa duqeymo la beegsaday Golaha Kumeel-gaarka ah ee Koonfurta (STC) oo ay taageerto Imaaraadka, kadib markii kooxdu ay si kali-talisnimo ah u qabsatay gobollo muhiim ah oo ku yaalla bariga dalkaas.

Ciidamada dowladda ee uu Sacuudigu taageero ayaa horumar sameeyay markii uu burburay maamulkii STC, iyagoo dib u qabsaday Cadan iyo deegaannada ku hareeraysan.

Sacuudiga ayaa markii dambe ku eedeeyay Abu Dhabi inay fududeysay in hoggaamiyaha STC, Caydaruus Al-Zubeydi, uu Yemen uga baxsado dhanka Somaliland, ugana sii gudbo Imaaraadka.  

Isniintii, Golaha Hoggaanka Madaxtooyada Yemen (PLC)—oo ah dowladda caalamku aqoonsan yahay—ayaa ku dhawaaqay in ciidamadoodu ay si buuxda ula wareegeen gacan-ku-haynta koonfurta. 

Middle East Eye ayaa sidoo kale soo warisay in Cadan aysan hadda ku jirin gacanta gooni-u-goosadka, isla markaana dagaalyahanno horay ula saftaa STC ay u goosteen dhanka dowladda.

Doorka sirdoonka Masar

Sida uu sheegay ilo-wareedka madaxtooyada, sirdoonka Masar iyo ciidamadooda badda ayaa raadaar iyo qalab kale oo casri ah ku la socday dhaq-dhaqaaqa maraakiibta Imaaraadka ka hor inta uusan billaaban hawlgalka Sacuudiga, waxayna xogtaas iyo qaabka dhaq-dhaqaaqaba la wadaageen mas’uuliyiinta Riyadh.

Qaahira ayaa sidoo kale gudbisay cajalado maqal ah oo ay sheegtay inay duubtay, kuwaas oo laga maqlayo saraakiil Imaaraati ah oo ka hadlaya ujeeddooyinkooda Yemen iyo wadashaqeynta ay la leeyihiin madaxda STC.

Sarkaalku wuxuu intaas ku daray in Masar ay sidoo kale Sacuudiga u sharaxday taageerada Imaaraadka ee Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF) ee Suudaan, iyagoo barbar-dhigaya dhaq-dhaqaaqyada Imaaraadka ee koonfurta Yemen.

Wadashaqeyntan ayaa kusoo beegantay xilli uu sii xoogeystay isku-xirka Qaahira iyo Riyadh, waxaana taas caddeyn u ah booqashadii uu bishaan horraanteedii Masar ku tagay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Amiir Faysal bin Farxaan, halkaas oo uu wadahadallo kula yeeshay Madaxweyne Cabdifataax Al-Sisi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Badr Cabdulcadhi.

Booqashadaas kadib, Riyadh ayaa Qaahira ka codsatay inay diyaariso maraakiib dagaal si loo carqaladeeyo waddooyinka saadka ee Imaaraadka uga imaan kara dhanka koonfurta Yemen; ilo-wareedka ayaa xaqiijiyay in Masar ay maraakiibta nooca Mistral-ka u dirtay dhanka koonfureed ee Badda Cas si ay u kormeeraan dhaqdhaqaaqa Imaaraadka. 

Dhinaca kale, ilo diblamaasiyadeed oo Masar ah ayaa sheegay in Abu Dhabi ay ka carootay tallaabadan, iyadoo uga digtay Masar inay xiriirka Sacuudiga ku hagaajiso danta Imaaraadka, halka Masar ay walaac ka muujisay taageerada Imaaraadka ee kooxaha hubeysan ee Suudaan iyo saameynta ay ku leedahay xasilloonida gobolka iyo xuduudaha Masar.

The post Masar oo Sacuudiga siisay sirdoon aad u dhaawacay Imaaraadka oo ay is-hayaan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this