Deeq A. Posted 7 hours ago Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay xalay Al-Shabaab ay ku qaadeen gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan. Weerarka oo aad loo soo qorsheeyay ayaa waxaa lagu ekeeyay saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin xaafadda Buundo-weyn ee magaaladaasi, waxaana kadib xigay dagaal saacado qaatay oo u dhexeeyay labada dhinac. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana Al-Shabaab ay adeegsadeen madaafiic qaarkood ku hoobtay xaafadda Buundo-weyn oo ay dagan yihiin dad shacab ah. Sidoo kale, waxaa lasoo warinayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo aan la caddeyn karin inta uu gaarsiisan yahay, maadaama dagaalka uu dhacay xilli saq-dhexe oo habeenimo. Dhanka kale, saraakiisha laamaha amniga Beledweyne oo ka hadlay weerarka Al-Shabaab ayaa sheegay inay ka hortageen, waxayna tilmaameen in weli ay wadaan howlgallo lagu baadi goobaayo raggii duulaanka soo qaaday. Xaaladda ayaa haatan deggan, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Hiiraan oo ku aadan weerarkaas. Marar badan ayay Al-Shabaab beegsadeen fariisimo ku yaalla Degmada Beledweyne, iyaga oo sidoo kle qaraxyo dad badan lagu laayay ka fuliyay magaaladaasi. The post Xogta weerar culus oo Al-Shabaab ay ku qaadeen Beledweyne appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites