Sign in to follow this  
Deeq A.

Fahad Yaasiin oo dhaq-dhaqaaq culus ka wada Muqdisho + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   
615436805_122264054450180669_62942868428

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo haatan qayb ka ah Xisbiga Haybad Qaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa haatan dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xoogleh ka wada gudaha magaalada Muqdisho.

Fahad ayaa bilaabay kulamo is daba-joog ah oo uu la qaadanayo siyaasiyiinta, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo looga hadlayo xaaladda guud ee dalka, maadaama ay jiraan daruufo kala duwan oo adag.

Agaasimihii hore ee Nabad-sugidda aya xalay qaabilay aqoonyahanka iyo dhalinyarada Beesha Reer Aw Xasan oo uu isagu kasoo jeedo, wuxuuna ka xog wareystay xaaladaha guud, maadaama uu dhawaan uun kusoo laabtay dalka.

“Kulan wadatashi iyo is xog waraysi ah baan la yeeshay qaar kamid ah wax garadka, aqoonyahanka iyo dhallinyarada Beesha Reer Aw Xasan ee magaalada Muqdisho. Waxaan u mahadnaqayaa walaalaha soo qabanqaabiyey kulanka” ayuu yiri Fahad Yaasiin oo soo saaray qoraal kasoo saaray kulanka.

Waxaa kulankan ka horreeyay mid kale oo isaga iyo hoggaanka sare ee Xisbiga Haybad Qaran ay habeen hore la yeesheen madaxweynihii hore ee dowladda KMG ka ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axxmed oo iska xog wareysteen xaaladda guud ee dalka, kadib booqasho ay ugu tageen gurigiisa.

Kulankaas ayaa isna kusoo dhamaaday is-afgarad iyo jawi wanaagsan, wuxuuna u mahadceliyay Shariif iyo xubnaha kale ee Xisbiga Himilo Qaran, sida uu horay u shaaciyay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

“Waxaan caawa hoygiisa ku booqannay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay wehliyeen xubno ka tirsan Xisbiga Himilo Qaran. Waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweyne Sheekh Shariif soodhawaynta diirran iyo is xogwareysiga wanaagsan” ayuu yiri Fahad.

Dhaq-dhaqaaqan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli xaalad siyaadadeed oo kacsan ay ka jirto dalka, taas oo u dhexeyso Villa Soomaaliya iyo mucaaradka oo isku haya doorashooyinka dalka ee 2026-ka.

Si kastaba, xubnaha Xisbiga Haybad Qaran oo dhawaan xaflad wayn ku qabsaday Muqdisho ayaa haatan bilaabay kulamo siyaasadeed oo xasaasi ah, iyaga oo ku biiray dhaq-dhaqaaqa haatan ka socda magaalada Muqdisho.

 

The post Fahad Yaasiin oo dhaq-dhaqaaq culus ka wada Muqdisho + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this