Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo burisay heshiisyadii Imaaraadka oo qaarkood taabanayaan Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
1000119646-1440x960.jpg

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan uu guddoominayay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu buriyay dhammaan heshiisyadii iyo is-afgaradyadii ay Dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo la xiriiray dhinacyada iskaashiga amni iyo difaac.

Go’aankaan waxa uu quseeyaa dhammaan heshiisyada iyo wadashaqaynta ay Imaaraadku ku joogeen dekadaha Berbera, Boosaaso, iyo Kismaayo, waxaana la xusay in go’aankan uu la xiriiro warbixinno iyo caddaymo xooggan oo ku saabsan tillaabooyin gurracan oo lagu dhibaataynayo gobonnimada, midnimada qaranka, iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay golaha wasiirrada.

Dowladda Soomaaliya waxa sheegtay in ay caddaynayso mas’uuliyaddeeda iyo xuquuqdeeda madaxbannaani ee la xiriirta dhulkeeda, dekadaheeda, arrimaheeda amniga, iyo arrimaheeda dibadda.

Golaha wasiirrada ayaa sidoo kale ansixiyey hindise-sharciyeedka ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, kaas oo la tilmaamay in uu mamnuucayo heshiis kasta oo ay maamul goboleedyada iyo hey’adaha gaarka ah la galaan cid shisheeye ah, iyada oo aanan wax ogeysiin iyo oggolaansho laga haysanin dowladda federaalka Soomaaliya, korjoogtayna aysan ku lahayn wasaaradda uu heshiiskaas quseeyo.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this