Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaarad taageeray go’aanka golaha wasiirrada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
1000119854-1.jpg

Qaar ka mid ah mucaaradka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay go’aanka lagu buriyay dhammaan heshiisyadii ay hore u wada galeen Soomaaliya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta.

Xubnaha go’aanka dowladda taageeray waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo hadda xubin muhiima ka ah xisbiga Midowga Haybad Qaran ee hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Madaxweyne hore Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “dadka iyo dalka Soomaaliyeed waxa ay waajib ugu leeyihiin dalalka aan la wadaagno iskaashiga iyo xiriirka saaxiibtinimo in ay dhowraan qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaliya”.

Fahad Yaasiin oo lagu eedeeyo in saaxiib la yahay dowladda Qadar ayaa isna hadal qoraal ah oo ku qornaa afka Carabiga ku yiri “waxaan bogaadinayaa go’aamadii ka soo baxay golaha wasiirada Soomaaliya, aniga oo caddeynaya in aan si buuxda u taageersanahay hoggaankeena, maadaama ay qaranimadu tahay khad cas oo aan laga gudbi karin”.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this