Deeq A. Posted 19 hours ago Dowladda Jubaland ayaa si adag uga hor timid go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ku buriyay dhammaan heshiisyadii ay hore u wada galeen Soomaaliya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta. War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in heshiisyada la xiriira horumarinta, ganacsiga iyo amniga ay ka mid yihiin awoodaha ay dastuur ahaan u leedahay Jubaland, sidaas darteedna aysan dowladda federaalka xaq u lahayn in ay baabi’iso ama wax ka beddesho. Jubaland waxay tilmaantay in heshiisyadaasi sii shaqaynayaan ilaa ay iyadu go’aan ka gaarto, islamarkaana uu waxba kama jiraan yahay go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ku joojisay heshiisyadaas. Jubaland waxay dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeysay in ay ku fashilantay isku haynta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, arrimahaana kaga dhuumanayso mas’uuliyaddii loo idmaday oo ay gabtay. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites