Deeq A. Posted 14 hours ago Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay hadal baraha bushada hadal-heyn weyn ka dhaliyay, kaas oo la xiriiray safar uu ugu socday magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari. Wasiir Fiqi ayaa hadal qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku yiri “Somaliland ayaan socdaal u nahay gaar ahaan caasimadda midnimada ee Laascaanood”. Wuxuu intaas ku daray “mar kale ayay goboladaas midnimada dalka xajiyeen! Soomaalinimada ayaa naga weyn, naga badan”. Hadalka wasiir Axmed Macallin Fiqi waxaa siyaabo kala duwan u fasirtay dadka isticmaala baraha bulshada, kuwaas oo qaarkood ku dhaliileen. Wafuud ka socota dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta iyo shalay ka degay magaalada Laascaanood, kuwaas oo hordhac u ah safar uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud maalmaha soo socda ku tagi doono magaaladaas. Magaalada Laascaanood waxaa ka dhacaya caleemo-saarka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye oo la doortay 30 bishii Agoosto ee sanadkii hore. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites