Deeq A. Posted 11 hours ago Shirkadda DP World oo maamusha dekedda Berbera ayaa diiday go’aanka dowladda Soomaaliya ku buriyay dhammaan heshiisyadii ay hore u wada galeen Soomaaliya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters. DP World waxay tilmaantay in uusan iyada wax saamayn ah ku yeelan karin khilaafka Muqdisho iyo Abu Dubia, islamarkaana ay sii wadayso u adeegista suuqyada Somaliland iyo guud ahaanba gobolka geeska Afrika. “Waxa aanu dadaalka saari doonaa sii wadista iyo fudaynta ganacsiga suuqyada Somaliland iyo Geeska Afrika, khilaafka dawladduhuna waxa uu la xiriiraa hay’addaha ay qusayso oo kali ah” ayay tiri DP World. Shirkadda DP World oo laga leeyahay Dubia ayaa 10-kii sano ee la soo dhaafay maamuulaysay dekedda magaalada Berbera, waxayna ku sameysay ballaarin iyo casriyayn. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites