Deeq A. Posted 7 hours ago Dabley hubaysan ayaa caawa weeraray guriga uu magaalada Boosaaso ka dagan yahay guddoomiyaha gobolka Bari Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaahdoon). Dhacdadan ayaa waxaa ku dhaawacmay hal askari oo ka mid ah ilaalada guddoomiyaha, kaas oo hadda lagu daawaynayo isbitaalka wayn ee magaalada Boosaaso. Laamaha amniga weli kama aysan hadlin dableyda weerartay guriga guddoomiye Shaahdoon. Xog ay heshay Puntland Post ayaa sheegaysa in dhacdan ay la xiriirto dhacdo maanta ka dhacday guri ku yaalla wadada soddonka ee magaalada Boosaso oo uu leeyahay Beedaaje Maxamed Beedaaje Ismaaciil, kaas oo wasiirka amniga Xaaji Bakiin iyo guddoomiye Shaahdoon ay ka joojiyeen shaqo ka socotay. Guriga ayaa la sheegay in loo diyaarinayay xubno mucaarad ku ah dowladda uu hoggaamiyo Siciid Deni, kuwaas oo ka imanaya dalka dibadiisa. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites