Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka Wada Hadlay Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Mudane Wang Yi, Xubin ka tirsan Golaha Siyaasadda ee Guddiga Dhexe ee Xisbiga Shiinaha (CPC) iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha.

Intii uu socday wadahadalku, labada dhinac waxay xaqiijiyeen adkaysiga iyo xoogga iskaashiga istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo taageerada ay isu hayaan danaha aasaasiga ah. Waxay soo dhaweeyeen horumarka wanaagsan ee xiriirka labada dal, waxayna ku heshiiyeen in la sii xoojiyo kalsoonida siyaasadeed iyo iskaashiga wax ku oolka ah.

Labada wasiir waxay carrabka ku adkeeyeen sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada qaran, iyo ku dhaqanka mabda’a aan faragelinta arrimaha gudaha.

Shiinaha ayaa mar kale caddeeyay taageeradiisa buuxda ee ku aaddan wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo adkeeyay in Somaliland ay tahay qayb aan ka go’ayn Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dhanka Soomaaliya, wasiirka ayaa xaqiijiyay taageeradeeda joogtada ah ee mabda’a Hal-Shiinaha (One-China Principle), dhammaan dadaallada Shiinaha ee dib-u-mideynta qaran, iyo ansaxnimada Qaraarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay Resolution 2758.

Labada wasiir waxay sidoo kale ka wada hadleen ballaarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, kaalmada horumarinta, is-dhaafsiga bulshooyinka, iyo iskaashiga goleyaasha caalamiga ah, iyo sidoo kale horumarinta nabadda iyo horumarka Geeska Afrika.

Ugu dambayn, labada dhinac waxay mar kale adkeeyeen in dhammaan dalalka ay ku dhaqmaan mabaadi’da aasaasiga ah ee ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay iyo shuruucda caalamiga ah, isla markaana ay ka horyimaadaan hanjabaadda ama adeegsiga xoogga ee xiriirrada caalamiga ah, iyo tallaabooyin qasab iyo cabsi gelin ah oo ku xadgudbaya madaxbannaanida dalalka kale.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this