Sign in to follow this  
Deeq A.

​Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

​Wasaaradda Gaashaandhigga ee Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in hawlgal qorsheysan oo dhanka cirka ah uu xalay ka dhacay deegaanka Jabad Godone ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Bayaanka wasaaradda ayaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay bartilmaameedsadeen goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, halkaas oo la sheegay in lagu dilay 17 xubnood oo kooxdaas ka tirsan.

​Sidoo kale, wasaaradda ayaa xustay in weerarkaas lagu burburiyay hub iyo gaadiid ay kooxdu isticmaali jirtay, iyadoo lagu tilmaamay in goobtaas laga abaabuli jiray falal ka dhan ah amniga shacabka.

Ugu dambeyn, dowladda Soomaaliya waxay adkeysay inay sii socon doonaan hawlgalada noocan ah ee looga gol-leeyahay xaqiijinta xasiloonida dalka.

Illaa iyo hadda, ma jiraan ilo madax-bannaan oo xaqiijiyay khasaaraha rasmiga ah, sidoo kale dhanka kooxda Al-Shabaab weli wax war ah kama soo bixin.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this