Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo baabi’isay heshiisyadii Imaaraadka

Recommended Posts

Deeq A.   
Golaha-Wasiirrada-.jpg?fit=2048%2C1366&s

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u baabi’iyay dhammaan heshiisyadii Amni iyo Difaac ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Go’aankan ayaa si buuxda u saameynaya dhinacyada amniga, dhaqaalaha, difaaca iyo sirdoonka.

Heshiisyadan ayaa horey uga mid ahaa kuwa ay labada dhinac ku wada shaqeynayeen arrimaha tababarka, taageerada amniga iyo iskaashiga difaaca, waxaana la sheegay in baabi’intooda ay ku timid dano qaran iyo ilaalinta madax-bannaanida dalka.

Maalin ka hor go’aankan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa si cad u sheegay in uusan dalka ka shaqeyn doonin heshiis ama iskaashi aan helin oggolaanshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyay in wax kasta ay maraan hannaan sharci ah.

Dhanka kale, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa isku raacay in Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil ay wada shaqeynayaan, arrintaas oo ururku ku tilmaamay mid saameyn ku leh dalalka Muslimiinta, isla markaana abuureysa walaac siyaasadeed iyo mid amni.

Arrimahan ayaa imanaya xilli maalin ka hor uu Imaaraadku bilaabay inuu daad gureeyo agabka ciidan iyo shaqaalaha ka jooga gudaha Soomaaliya, kadib markii dowladda mamnuucday diyaaradaha milatari iyo kuwa xamuul (cargo) ee ka imaanaya waddankaasi.

Taas ayaa daba socotay warbixinno sirdoon oo sheegay in diyaarad milatari oo Dubai leedahay ay si aan fasax lahayn usoo gashay hawada Soomaaliya, taas ‘oo wadday hoggaamiyaha Golaha ku-meel-gaarka Koonfurta Yemen (STC), Caydaruus al-Zubaydi’ oo baxsaday xilli la filayay inuu tago wada-hadallo ka qorshaysnaa Sacuudi Carabiya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ilaa 4 diyaaradood oo agab iyo rakaab qaaday ayaa ka baxay Muqdisho, halka 6 kalena loo fasaxay in ay Boosaaso ka daad gureeyaan wixii agab ciidan oo ka yaalla halkaasi.

Xiriirka Muqdisho iyo Dubai ayaa hadda ku jira maalmihii ugu adkaa, iyada oo Soomaaliya ay si toos ah ula safatay Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ay ku taageertay hoggaaminta arrimaha gudaha ee dalka Yemen.

The post DF Soomaaliya oo baabi’isay heshiisyadii Imaaraadka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this