Sign in to follow this  
Deeq A.

Go’aanka DF ee Imaaraadka oo si weyn u saameynaya saddex maamul goboleed

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Mohamed-bin-Zayed-scaled.jpeg?fit=

Muqdisho (Caasimada Online) – Go’aanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay maanta ka qaateen Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa si weyn u saameynaya maamullada Somaliland, Puntland iyo Jubaland.

Heshiisyada iyo is-afgaradyada ay Dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee la baabi’iyey maanta ayaa ku saabsan dhinacyada iskaashiga amni iyo difaac ee laba geesoodka ah.

Go’aankaan waxa uu khuseeyaa dhammaan heshiisyada iyo wadashaqaynta ay ku joogeen dekadaha Berbera, Boosaaso, iyo Kismaayo.

Go’aankaan ayaa la xiriiray warbixinno iyo caddaymo xooggan oo ku saabsan tillaabooyin gurracan oo lagu dhibaataynayo gobonnimada, midnimada Qaranka, iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay ku caddaynaysaa masuuliyaddeeda iyo xuquuqdeeda madaxbannaani ee la xiriirta dhulkeeda, dekadaheeda, arrimaheeda amniga, iyo arrimaheeda dibedda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay kulankii maanta ee Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa taageerada ugu badan ee amni iyo siyaasadeed siisa Puntland, oo ay u sameysay Ciidanka Badda ee PMPF, halka ay maamulaan dekedda Boosaaso.

Sidoo kale, taageero amni iyo siyaasad ayuu Imaaraadka siiya Jubbaland, halka Somaliland uu la leeyahay xiriir gaar ah. Abu Dhabi ayaa si heer sare ah u dhistay dekedda Berbera, taas oo ka mid ah mashaariicda istiraatiijiga ah ee ay ka fulisay Geeska Afrika.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaridka ah ee Muqdisho ayaa la sheega inay xiriir dhow la leeyihiin Dubai. Waxaana si dhow isha loogu haya waxa xigi doona tallaabadan xasaasiga ah.

Si kastaba, Xiriirka Muqdisho iyo Dubai ayaa galay maalmihii ugu adkaa, iyada oo Soomaaliya ay si toos ah ula safatay Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ay ku taageertay hoggaaminta arrimaha gudaha ee dalka Yemen.

The post Go’aanka DF ee Imaaraadka oo si weyn u saameynaya saddex maamul goboleed appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this