Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Farmaajo ka yiri go’aanka ay DF Soomaaliya ka qaadatay Imaaraadka?

Recommended Posts

Deeq A.   
127174568_3555711767846609_8509849626579

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay go’aanka maanta kasoo baxay Golaha Wasiirrada ee Dowladda Soomaaliya uga baxday dhamaan heshiisyadii Imaaraadka.

Heshiisyada iyo is-afgaradyada ay Dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la baabi’iyey, kuwaas ku saabsan dhinacyada iskaashiga amni iyo difaac ee laba geesoodka ah. Go’aankaan waxa uu khuseeyaa dhammaan heshiisyada iyo wadashaqaynta ay ku joogeen dekadaha Berbera, Boosaaso, iyo Kismaayo.

Madaxweyne hore Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay waajib ugu leedahay dalalka ay la wadaagto iskaashiyada in ay dhowraan qarannimada iyo madax-banaanida Soomaaliya.

“Waxaan soo dhaweynayaa go’aammada ku saabsan ilaalinta madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed ee maanta ay soo saartay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu Farmaajo ku yiri war-saxaafadeed uu soo saaray.

Sidoo kale wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa ugu baaqay in ay adkeeyaan midnimada shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay mudnaanta siiyaan xal u helidda arrimaha ku gedaaman dowladnimada oo ay ugu horreeyaan qabsoomidda doorashooyin loo dhan yahay oo wakhtigooda ku dhaca.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran

Waxaan soo dhaweynayaa go’aammada ku saabsan ilaalinta madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed ee maanta ay soo saartay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Dadka iyo Dowladda Soomaaliya waxa ay waajib ugu leeyihiin dalalka aan la wadaagno iskaashiyada iyo xiriirka saaxiibtinimo in ay dhowraan qarannimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, laguna saleeyo xiriirrada labo geesoodka ah danaha wadajirka ah si waafaqsan xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xukuumaddiisa waxaan ugu yeeraynaa in ay adkeeyaan midnimada Shacabka Soomaaliyeed, mudnaantana la siiyo, wakhtigan xasaasiga ah, xal u helidda arrimaha ku gedaaman dowladnimada.

Arrimahan oo ay ugu horreeyaan qabsoomidda doorashooyin loo dhan yahay oo wakhtigooda ku dhaca, ka laabashada go’aammada halka dhinac ah ee uu ku laalay Dastuurka dalka iyo soo celinta shirarka Madasha Watashiga Qaranka oo muhiim u ah marxaladdan.

The post Muxuu Farmaajo ka yiri go’aanka ay DF Soomaaliya ka qaadatay Imaaraadka? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this