Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo si adag uga hortimid go’aanka DF ee Imaaraadka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   
Cirro-1.webp?fit=2048%2C1550&ssl=1

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga hortimid go’aanka kasoo baxay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo lagu baabi’iyey dhamaan heshiisyada Imaaraadka Carabta.

Somaliland ayaa ku dooday in aysan hoostagin Soomaaliya, isla markaana uu go’aankasi ka fuli doonin Berbera, oo haatan shirkada Imaaraadku leeyahay ee DP WORLD ay gacanta ku hayso.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi oo ka hadlay go’aanka Golaha Wasiirrada ee ka dhanka ah Imaaraadka ayaa ku tilmaamay “riyo maalmeed aan suurta-gali doonin,” isagoo xusay in Imaaraadka uu yahay saaxiib weyn oo Somaliland leedahay.

“Riyo-maalmeedka Soomaaliya waxba ma beddelayso. Berbera waa halka uu ku dhashay Madaxweynaha Somaliland, Imaaraadkuna waa saaxiib lagu kalsoon yahay oo ay Somaliland leedahay,” ayuu yiri Wasiir Khadar.

Wuxuu intaas kusoo daray: “Somaliland waa qaran mabda’ leh, saaxiibbadiisana garab taagan. Imaaraadku wuu joogayaa, wax kasta oo uu yidhaahdo maamul daciif ah ee ka jira Muqdisho.”

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta baabi’iyey dhamaan heshiisyada iyo is-afgaradyada ay Dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, kuwaas ku saabsan dhinacyada iskaashiga amni iyo difaac ee laba geesoodka ah.

Go’aankaan waxa uu khuseeyaa dhammaan heshiisyada iyo wadashaqaynta ay ku joogeen dekadaha Berbera, Boosaaso, iyo Kismaayo.

Tallaabadan ayaa la xiriirta warbixinno iyo caddaymo xooggan oo ku saabsan tillaabooyin gurracan oo lagu dhibaataynayo gobonnimada, midnimada Qaranka, iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya.

The post Somaliland oo si adag uga hortimid go’aanka DF ee Imaaraadka Carabta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this