Deeq A. Posted 19 hours ago Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu dhawaan booqasho ku tago dalka Shiinaha, kaddib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalkaas Xi Jinping. Martiqaadka loo fidiyay madaxweyne Xasan Sheekh waxaa shaaciyay wasiirka arrimaha dibdda Shiinaha Wang Yi oo isagu ka baaqday safar uu maalmo ka hor ku iman lahaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Shiinaha kulamo gaar ah la qaadan doona madaxda ugu sarreysa dalkaas, kuwaas oo diiradda lagu saari doono xoojinta xiriirka labada dhinac, sidoo kale wuxuu ka qaybgeli doonaa shirka Shiinaha iyo dalalka Carabta oo halkaas ka dhici doona. Shiinaha ayaa si cad u muujiyay mowqifkiisa adag ee ku aaddan taageerada midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, isaga oo ballanqaaday in uu la yeelanayo iskaashi adag oo dhanka amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda ah. Safiirka Shiinaha ee Muqdisho ayaa dhawaan sheegay in ay Soomaaliya kalsooni u muujisay dalkiisa, halka wareysiyadii uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh siiyay Al-jasiira iyo Al-carabiya laga dhadhansanayay in uu bixinayo tilmaan ku saabsan in la xoojiyo xiriirka Shiinaha. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites