Sign in to follow this  
Deeq A.

Boosaaso: Ciidamo gadoodsan oo xirtay wadada xiriirisa Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
1000119533.jpg

Ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland oo mushaar la’aan ka gadoodsan ayaa maanta xirtay laamiga dheer, gaar ahaan meel u dhow deegaanka Kalabayr oo hoostaga degmada Boosaaso ee gobolka Bari, halkaasi oo ay ku xannibeen gaadiid badan oo sida rar iyo dad shacab ah oo ku safrayay wadada.

Ciidamadan oo wata gaadiid dagaal oo sheegay in ay ka yimaadeen buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa ka cabanaya mushaar la’aan, waxaana ay xukuumadda Puntland ka dalbanayaan in ay sida ugu dhakhsaha badan u siiso xuquuqda ka maqan, si ay u banneeyaan jidka laamiga ah.

Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamadan ayaa caddeeyay in ay marar kala duwan xukuumadda madaxweyne Deni ka dalbadeen in ay siiso xuquuq ka maqan, balse aysan wax jawaab ah ka helin, sidaasi darteedna laamiga u xirteen.

Marar badan ayaa ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland oo ka cabanaya mushaar la’aan xirteen wadadada laamiga ah ee xiriirisa Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana arrintaas dhib ka soo gaartaa shacabka iyo gaadiidka ku safraya wadada.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this