Deeq A. Posted 15 hours ago Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in aan gorgortan laga geli karin midnimada iyo wadajirka Puntland, islamarkaana xuduudaheeda yihiin kuwa lama taabtaan ah oo ku cad dastuurka. Madaxweyne Deni oo xalay hadal ka jeediyay Garowe ayaa yiri “waxaan rajaynayaa in aan midnimada iyo wadajirka Puntland gorgortan laga gelin, dastuurkeeda bay ku caddahay, qawaaniinteeda bay ku taallaa, dhulkeedana waa la yaqaanaa”. “Geedka weyn dabayluhu waa liicliiciyaan, laakiin jiridu meel bay ku fadhidaa, Puntland waa jirid adag, cad kasta oo dabaylo ku noqota waa ka gudbaysaa” ayuu raaciyay. Wuxuu carabka ku dhubtay in isbedelada caalamka ka socda iyo kuwa Soomaaliya ka socda ay Puntland u wajihi doonto si waayo-aragnimo leh oo aan cadiifad ku saleysnayn. Hadal madaxweyne Deni wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo qaar ka mid isimada Puntland ay hore u soo jeediyeen in dib-u-eegis lagu sameeyo qaab dhismeedka dowladnimo ee Puntland. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites