Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa looga hadlay kulankii dhexmaray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed?

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed, ayaa saaka gaaray magaalada Jabuuti, halkaas oo si diirran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka labada hoggaamiye ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo la xiriira xaaladda juqraafi-siyaasadeed ee gobolka, nabadda iyo amniga Geeska Afrika, iyo xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Jabuuti.

Sidoo kale, waxaa si gaar ah looga wada hadlay horumarinta ganacsiga, adeegyadda saadka (logistics), iyo mashaariicda horumarineed ee wadajirka ah.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay xasilloonida gobolka, isku-xirka dhaqaale, iyo iskaashi ku dhisan dan wadaag, si loo gaaro barwaaqo iyo horumar waara oo ay wada gaaraan labada dal iyo guud ahaan mandaqadda.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this