Sign in to follow this  
Deeq A.

Xafiiska Garyaqaanka Guud oo Amar Degdeg ah ka soo saaray Boobka lagu hayo Dhulka Jaamacadda Ummadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda Soomaaliyeed ayaa soo saaray amar degdeg ah oo lagu joojinayo boobka iyo xad-gudubka lagu hayo dhul ay leedahay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ku yaalla degmada Hodan, gaar ahaan aagga Adeegga Ardayda iyo Guriga Raktarka.

Go’aankan ayaa ka dhashay ka dib markii la xaqiijiyay inay jiraan dad shacab ah iyo ciidamo hubeysan oo si sharci darro ah u doonaya inay ku qabsadaan dhulkaas ama ay burburin ka fuliyaan, ayadoo xafiisku uu caddeeyay in hantidaasi ay tahay mid qaran oo si sharci ah u diiwaangashan.

​Garyaqaanka Guud wuxuu si adag uga digay dadka shacabka ah iyo cid kasta oo gacan ku siineysa falkaas inay hantidooda iyo waqtigooda ku luminayaan dhul aysan waligood yeelan karin, maadaama uu yahay hanti dadweyne oo u xilsaaran u adeegidda danta guud sida ay dhigayaan xeerarka dalka.

Sidaas darteed, waxaa la faray dhammaan laamaha ammaanka ee heer gobol iyo heer degmo, gaar ahaan booliska iyo maamulka degmada Hodan, inay qaadaan tallaabo kasta oo sharciga waafaqsan si loo joojiyo faragalintaas, loona qabto cid kasta oo ku dhiirata inay ku xad-gudubto xaruntii adeegga ardayda iyo gurigii raktarka ee jaamacadda.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this