Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo Sheegtay inay ka qeyb-galayso haddii Madaxweyne Xasan Sheekh uu qabto shirweyne wada-tashi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay ka qeyb-galayso haddii uu dhaco shirweyne qaran oo ay dhowaan Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqeen siyaasiyiin ku midaysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaddib markii ay shir ku yeesheen magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa arrintan ka sheegay kulan uu la qaatay qaar kamid ah dhallinyarada Puntland, halkaas oo uu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, khilaafaadka siyaasadeed ee taagan, iyo mustaqbalka wada-hadalka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Madaxweyne Deni ayaa caddeeyay in Puntland aysan diidaneyn wada-hadal qaran oo lagu xallinayo tabashooyinka jira, balse uu shirkaasi miro dhal noqon karo oo keliya haddii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu muujiyo diyaar garow dhab ah.

“Shirka Madaxweyne Xasan loogu baaqay waan tegeynaa, hadduu iska diidona awalba waxba nagama daadsanayn,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland ayaa si adag uga hadlay aqoonsiga sharci-darrada ah ee Israa’iil ay siisay Somaliland, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay mid ka dhalatay waxa uu ugu yeeray maamul xumo siyaasadeed oo ka jirta dowladda federaalka Soomaaliya.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay xaaladda dalku meel xasaasi ah mareyso, islamarkaana maamulka Israa’iil uu dhowaan qaatay tillaabo xadgudub ku ah qaranimada dalka iyo madax-bannaanidiisa, ka dib markii uu aqoonsi sharci-darro ah siisay Soomaaliland.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this