Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Shacabka BJFS oo Ansixiyey Axdiga Xakameynta Tubaakada

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (BJFS) ayaa maanta ansixiyey Axdiga Xakameynta Tubaakada, kaddib kulan rasmi ah oo ay yeesheen.

Axdigan oo ay horgeysay Wasaaradda Caafimaadka ayaa ujeedkiisu yahay in la xoojiyo dadaallada lagu yareynayo isticmaalka tubaakada, laguna ilaalinayo caafimaadka bulshada, gaar ahaan dhalinyarada iyo carruurta.

Intii lagu guda jiray kulanka, xildhibaannadu waxay dood ka yeesheen saameynta caafimaad, bulsho iyo dhaqaale ee tubaakadu ku leedahay dalka.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in ansixinta axdigan ay muhiim u tahay hirgelinta siyaasado iyo sharciyo casri ah oo la jaanqaadaya heshiisyada caalamiga ah, kuwaas oo diiradda saaraya ka hortagga cudurrada aan faafin ee ka dhasha isticmaalka tubaakada.

Ugu dambeyn, cod aqlabiyad ah ayaa lagu meel mariyey axdiga, 139 ayaa ogolaaday halka tiro yar oo xildhibaanno ah ay ka aamuseen.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this