Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkadaha ganacsiga ee dalka Israel oo maal gashanaaya Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Ka dib markii ay Israa’iil aqoonsatay Jamhuuriyada Somaliland, shirkadaha Israa’iil waxay bilaabeen dhaqdhaqaaq dhaqaale oo degdeg ah.

Sida ay sheegtay warbaahinta i24NEWS, laba shirkadood ayaa hormuud u ah gelitaanka suuqa Somaliland:

1. VisiRight – Shirkad bixisa tiknoolajiyadda kormeerka fog iyo amniga, oo loo adeegsado dekedaha, xuduudaha, garoomada diyaaradaha iyo kaabayaasha muhiimka ah.

Teknoolajiyaddan ayaa waxa isticmaala dalal badan oo caalamka ah si ay u adkeeyaan ammaanka iyo la-dagaalanka tahriibka iyo khataraha amni.

2 Amore Capital – Shirkad caalami ah oo ku takhasustay maalgashi iyo talo-bixin dhaqaale, gaar ahaan mashaariicda waaweyn ee kaabayaasha sida dekedaha, tamarta, gaadiidka iyo horumarinta suuqyada soo koraya.

Tallaabadan ayaa muujinaysa in aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland inaanu ahayn mid siyaasadeed oo keliya, balse uu la socda maalgashi dhab ah iyo fursado horumarineed oo Somaliland ka faa’iidaysan karto.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this