Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: DENI oo si kulul uga hadlay midnimada dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
dani.webp?fit=2048%2C1365&ssl=1

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo xalay kulan la yeeshay dhalinyarada maamulkaasi ayaa markii ugu horreysay ka hadlay midnimada dalka, kadib aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland.

Deni marnaba oo jeediyay khudbad socotay 43 daqiiqo marnaba sooma hadal qaadin xadugubka Israa’iil ee madax banaanida Soomaaliya, balse waxa uu shaaca ka qaaday in siyaasad xumo ay keentay in dadku kala tago, isaga oo eeddda ugu wayn dusha u saaray dowladda federaalka Soomaaliya oo uu tilmaamay in ay burburisay shuruucdii heshiiska lagu ahaa ee dalka.

“In la dhaho dalkiibaa la kala jarayaa siyaasad xumo dowladda federaalka ah baa saldhig u ah in laga baxaa la rabaa waa isku dhex yaacday baahashii meel loo raaco hadda lama garanayo intii la yaqaanay waa dhaaftay” ayuu yiri Deni.

Sidoo kale, wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in handadaad lagu raadiyo midnimada dalka, iyada oo markii horaba ay jirtay tabasho ay kala qabtay Soomaalida dhexdeeda.

“Waa nasiib darro midnimo la rabo in caay iyo hanjabaad lagu keeno ma midnimo ayay noqoneysaa? dad is caayay sow dad is nacay maaha?”. ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday xuduudaha Puntland oo uu si adag u difaacay “Midnimada iyo wadajirka Puntland gorgortan marnaba ma geleyaan, dhulkeeda iyo xuduudkeeda cidna waxba ma yeeli karto” ayuu mar kale yiri.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in dowladda Soomaaliya in ay kusoo noqoto xeyndaabka sharciga, kadibna la timaado qorshe waxtar u leh dalka iyo dadka.

Puntland ayaa muddo dheer ka aamusan aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, welina ma caddeyn mowqifkeeda rasmiga ah ee ku aadan go’itaanka gobollada waqooyi, taas oo ay dad badan ku dhaliileen maamulka.

The post Daawo: DENI oo si kulul uga hadlay midnimada dalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this